SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT
 Kooxda  Dhismaha ee Dhamal ayaa si fiican u karbaashtay kooxda Hormood tartanka cayaaraha heeska labaad ee caasimada ka socda.

Cayaartan oo bilaabatay 4tii galabnimo waxaayna ku bilaabatay si taxadar ah oo labada kooxood aay is caabinayeen waxaana u suurta gashay kooxda Dhamal oo ayadu aad uga awood badneeyd cayaartii shalayto waxaayna ku karbaasheen gabagabadii cayaarta 4/0 aay guushii ku raacday kooxda Dhamal oo ah runtii koox aan la dhayalsankareeyn,waxaana shalay kala soo qaaybgalay kooxda dhamal gudoomiyahooda ahna Gudoomiyaha shirkada dhismaha ee Dhamal Mudane Sheekh Yuusuf Waraabacadde oo kooxda la barbartaagnaa hiil iyo hooba ugu dambeeyntii waxaan u hambalyeeynaaynaa guusha labaad ee aay gaartay kooxda dhamal .