Kooxda Manchester United
ayaa talaabo horey ugu qaaday cayaaraha semi-final ka ah ee tartanka
horyaalka qaaradda Yurub ka dib markii ay xalay kooxda Roma ee dalka
Talyaaniga 0-2 ku suuldaartay.
Cayaartii
xalay oo si ad ah loo wada sugayey isla markaana ay reer Roma ku
haminayeen in ay ka aarsadaan Manchester ayaa waxaa taasi diiday
cayaartoyda kooxda Man U oo ayagu xalay muujiyey cayaar isku dheelitiran isla markaana weerar celis u badnayd.
Xiddiga kooxda Man U iyo dalka Portugal Christiano Ronaldo
ayaa kubad uu si wanaagsan u soo karoosay laacibka Scholes si geesinimo
leh isla markaana aad u xooganayd madaxa ula helay ka dibna shabaqa
kooxda Roma cuskiyey, halka uu goolka kalena uu u saxiixay xiddigooda Rooney kubad ka baxsatay goolhayaha kooxda Roma taasoo uu kaga hormaray daafaca kooxdaasi.
Roma ayaa ayadu heshay fursado aad u yaraa oo
ay gool ku dhalin kareen marka laga reebo kubad uu madaxa si fiican ula
helay daafaca kooxda Roma ee Panucci balse ay dusha sare ee goosha martay iyo fursad uu si fiican u badbaadiyey goolhayaha kooxda Man U ee reer Holland Edwin Van Der Sar.
Cayaartan xalay oo aan u dhicin sidii loo
saadaalinayey ayaa ay guushani soo dhawaynaysaa dabaaldega
taageerayasha kooxda Man U oo ayagu hadda u muuqda in ay u soo bixi
doonaan cayaarta Semifinal ka taasoo la filayo in ay isku hardin
doonaan kooxda Barcelona oo ayaduna xalay kooxda Schalke 04 ee dalka Jarmalka 0-1 uga adkaatay.
Rajada kooxda Roma ayaa hadda aad u yar inkastoo la filayo in uu kabtanka kooxda Roma Totti uu u soo laaban doono cayaarta ka dhici doonta magaalada Manchester.