SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT

 

Arsenal Oo Murugo Kala Hoyatay Garoonka Liverpool

LONDON (AP)—Arsenal ayaa 1-1 waxey mar kale ku kala tageen Liverpool markii ay isku arkeen Premier League, 3-maalin kadib markii natiijo sidaan oo kale ah ay ku soo kala tageen first leg of the Champions League quarterfinals.

Arsenal oo mar loo qaatay in laga adkaaday ayaa waxaa naxdintii heysay ka fujiyay Nicklas Bendtner 54th minute markii Peter Crouch uu  Liverpool hogaanka u qabtay daqiiqadi i42-aad.

Natiijadaani 2-da koox midna ma caawineyso marka loo eego hardanka horyaalka—Arsenal waxey siineysaa 71 points oo ay kaalinta 3-aad ku tageyso,

Chelsea, ayaa kaalinta 2-aad qabsatay markii ay Manchester City 2-0. ku dubatay

Arsenal iyo Liverpool waxey talaada soo socta ay ku kulmi doonaan mar kale garoonka Anfield second leg of the quarterfinals of the Champions League.

Kooxda hogaanka u heysa Premier League ee Manchester United oo leh 76 points ayaa la ciyaari doonta Middlesbrough. Liverpool waxey fadhidaa kaalinta 4-aad iyadoo sidata 63 points.

Portsmouth oo marki ugu horeysay FA Cup final timid tan iyo  1939  ayaa 1-0 kaga tilaabsatay West Bromwich Albion markii ay semifinal koobkaan ay ku ciyaareen garoonka Wembley. Nwankwo Kanu ayaa u dhaliyay goalka kaliyaha ee garoonka ka dhashay 54th minute.

Portsmouth, oo ah kooxda kaliyaha ee horyaalka heerka 1-aad ee Premier League ka socota ee joogta FA Cup, ayaa waxey la ciyaari doontaa kooxaha  ka ka ciyaara League Championship May 17 final, oo kala ah Cardiff or Barnsley.

Manchester City, oo badisay mid ka mid ah 7-deedii kulan oo ay ciyaartay, ayaa xalay Chelsea u taagweysay.

Bolton iyo Fulham ayaa u muuqad iney ku biiri doonaan kooxda Derby oo laaban doonta (relegated clubs). Bolton 5-dhibic oo kaliyaha ayeey kaga amaano qabtaa iney halka ugu hooseysa iyadoo ku jirta kaalinta 18-aad halka Fulham ay u baahantahay 7-dhibcood iney hesho si ay ugu badbaado relegation guji xagga hoose si aad u daawato zone.

 

Mallorca Oo Dhibic  Kala Hartay Kooxda Spain Hogaanka U heysa Real Madrid

MADRID, Spain (AP)— Real Madrid oo ciyaarta ku dhameystay 10-ciyaartoy ayaa Mallorca 1-1 la gashay inkastoo ay sii kordhisay hogaanka hadana dhibic ayaa lagala haray iyadoo haatan Spanish league ku hogaamineysa.

Wesley Sneijder ayaa 43rd-minute hogaanka u dhiibay Madrid laakiin Mallorca xidiga ay badalka ku soo galisay ee Borja Valero dhuunta ugu istaagay rajadii Madrid, 7 daqiiqo kadib markii ciyaarta laga saaray Madrid defender Sergio Ramos oo ah markii 3-aad ee xagaagaan garoonka laga saaro.

Kooxda horyaalka difaacaneysa, ayaa hal kulan oo kaliyaha badisay 5-tii kulan ee ugu danbeysay, hayeeshee wuxuu hogaankeeda noqon karaa mid 4-dhibcood oo kaliyaha ka kooban waa hadii Villarreal ay ka badiso Sevilla.

Mallorca, oo sanadka soo socda ku taameysa iney boos ka hesho UEFA Cup, ayaa hal kulan oo kaliyaha laga adkaaday 13 kulan ee ay horyaalka ciyaartay.

Madrid 66 points ayeey wadtaa, Villarreal 59, hal dhibic waxey ka sareysaa FC Barcelona, oo marti galin doonta UEFA Cup quarterfinalist Getafe. Barcelona waxaa loo sheegay iney weysay inta sanadkaan ka dhiman Ronaldinho.

AS Roma Oo Kulankii 12-aad Oo isku Xiga Ku Adkaatay Garoonkeeda

ROME (AP)—AS Roma ayaa Genoa iskaga reebtay 3-2, markii Daniele De Rossi uu guusha ku siiyay goal rigoore ah daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta.

Roma oo hogaanka ciyaarta ku heysay 2-0 markii ay goalasha u kala dhaliyeen Taddei iyo Mirko Vucinic. Ayaa waxaa ka yaabiyaya Marco Rossi iyo Julio Cesar Leon oo Genoa rajo ku soo celiyaya.

Roma kulankaani wuxuu u ahaa kii 12-aad oo xiriir ah oo ay ku badiso garoonkeeda.

Inter Milan oo ah kooxda horyaalka hogaanka u heysa,ayaa la filayaa iney hogaankeeda dib ugu soo ceshato 4-dhibcood wa ahadii ay ka badiso Atalanta.

Filippo Inzaghi ayaa labo ka mid ah u dhaliyaya Milan 3-2 ay kaga adkaatay kooxda Cagliari.

Goalkii Ugu Dhaqsiyaha Badnaa Sanadkaan Oo Horyaalka Bundesliga Laga Dhaliyay

BERLIN (AP)—VfB Stuttgart ayaa 1-0 ku quusisay Hamburger SV taasoo rajo xumo ka galisay tartanka horyaalka Bundesliga kaasoo ay kaga sii muhiimsantahay tartanka loogu jiro Champions League sidii boos looga heli lahaa.

Stuttgart xidigeeda Roberto Hilbert ayaa soo afjaray 11-kulan oo xiriir ahaa oo ay Hamburg badineysay taasoo cid hor istaagta laga wayay waxaana loo riday kaalinta 3-aad.

Stuttgart, oo ah kooxda horaalka difaacaneysa, ayaa sidaan ku soo haabatay kaalinta 5-aad wallow ay six un ku bilowday horyaalka. Schalke ayaa kaalinta 2-aad soo cariirsatay markii ay Hansa Rostock u dhiibtay 1-0.

4-dhibcood oo kaliyaha ayaa u dhaxeeyay 5-koox ee ugu sareysay horyaalka iyadoo labada Champions League booskiisa heshay oo kala ah Bayern Munich. Schalke ay wada leeyihiin 48 points 27 kulan oo la ciyaaray, Hamburg iyo Bremen ayaa isla leh 47, Stuttgart aya heysata 45 halka Leverkusen ay ka leedahay 44..

Tim Borowski ayaa goalkisii ugu hopreeyay xagaagaan ku caawiyay Bremen kulankisii ugu horeeyay 4-ciyaaroo kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Hertha Berlin.

Markus Rosenberg ayaa Bremen hogaanka faraha ka saaray kaasoo goalkii ugu dhaqsiyaha badnaa xagaagaan horyaalka ka dhaliyay, markii uu ku dhaliyay 35 seconds oo kaliyaha ciyaarta oo socta..

FC Nuremberg ayaa ku dhaaftay Eintracht Frankfurt 3-1 iyadoo xalay ciyaartaasi xalay la joojiyay mudo 20 daqiiqo ku dhawood ah markii taageerayaasha ay garoonak soo dhoobeen wax yaabaha hulca. Labada koox ayaa laga yaabaa in si wada jir ah lo ciqaabo.

Bielefeld ayaa Karlsruher SC u dhiibta 1-0 halka Wolfsburg ay Hannover 96 ku dhaaftay 3-2.

  Sunni Said Salah

djsuuni@hotmail.com

+254-721-424242