SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT
 
 
Liverpool Oo Dagaalkii Ay Kula Jirtay Arsenal Kaga Adkaatay Soona Fariistay Champions League semifinals .

LIVERPOOL, England (AP)— Liverpool ayaa si la yaab leh kaga adkaatay Arsenal 4-2 iyadoo halkaa uu ku soo gabgaboobay dagaalkii caalamig ahaa ee u dhexeeyay labad koox (classic Champions League battle) Liverpool ayaa waxey markii 3-aad sidaa ku timid semi-finals Champions league.

Captain Gerrard ayaa u dhaliyaya daqiiqadii 85 goal ayaa waxaa sii quusiyay Ryan Babel oo waqtiga dhumashada (injury-time) goal 4-aad u dhaliyay Liverpool taasoo 4-2 ku dubatay Arsenal. Liverpool ayaa isku celcelis ahaan kaga badisay Arsenal 5-3 sidaan kulan ciyaari doonta semifinal koobkaan Chelsea, taasoo Fenerbahce 2-0 dhibcihii kaga soo qaadatay.

 Liverpool ayaa 4-sano gudahood markii 3-aad soo istaagtay heerka 4-ta kooxood. Labo ka mid ah sanadhaasi oo ah 2005 iyo 2007, Liverpool waxey Chelsea ku reebtay heerkana oo kale semifinals.

Ciyaartaani waxey aheyd tii 3-aad oo u dhaxeysa Arsenal iyo Liverpool todobaadkaan gudihiisa, Abou Diaby ayaa Gunners hogaanka u dhiibay 13th minute.

Sami Hyypia ayaa soo celiyay rajadii Liverpool 30th halka Fernando Torres uu Liverpool ugu dhigay 2-1 iney ku hogaamiyaan ciyaarta 69th.

Chelsea Oo Hor Istaagtay In Fenerbahce Ay taariikhdeeda Timaado Semi-finals Champions League.

LONDON , (Reuters) - Michael Ballack ayaa guul xasuus leh gacanta ka saaray chelsea markii uu goalkii guusha u dhaliyay taasoo ay 2-0 kaga reebtay tartanka Fenerbahce sidaana ugu soo baxday Champions League semi-finals markii 4-aad 5-sano gudahood.

Chelsea , ayaa `ku so baxday isku celcelis ahaan 3-2 iyadoo waliba lugtii 1-aad laga soo adkaaday 2-1todobaadki tagay, waxeyna hada semi-final ay isku dhici doonaan Premier League side Liverpool.

Liverpool iyo Chelsea ayaa markii 3-aad haatan ku balasan Champions League semi-finals markii ay soo badiyeen quarter-final

Lampard ayaa guusha rasmiga faraha ka saaray 3-daqooqo oo kaliyaha markii ay ciyaarta ka harsaneyd taasoo Chelsea in marki 2-aad oo isku xigta ay u soo baxdo semi-final.

Sunni Said Salah
djsunni@hotmail.com
+254-721-424242