KKADAR IYO KOOXDA OSLO CITY OO U SOO BAXDAY
HOYYAALKA DIVITION TWO NORWAY

Kooxda Oslo City ayaa u soo gudubtay divition two ama Kooxaha kaalinta 2aad
sanadka dambe,kooxdan oo ah koox inta badan ah cayaartooy madow u badan oo
asalkoodu ka soo jeedo Afrika .
Hadaba waxaa kooxda raga ugu cadcadaa ahaa cayaaryahan reer Somaliland ah
Khadar Yusuf Xashi oo wacdaro ka dhigay cayaartii manta .
Cayaartan oo bilaabatay 2dii duhurnimo ayay kooxda Holand loo martida ahaa
aay gool ku hormartay, hase yeesheekooxda Oslo City ayaa markiiba barbardhac
keensatay qaaybtii horee cayaartu waxaay ku soo gagaboowday 1-1.
Qaaybtii labaad ee cayaartu waxaa kaadhka cas loo taagay xidiga khadka dhexe
loo taagay kaadhka cas halkaas oo gabi ahaanba lagala wareegay xukumaada
cayaarta waxaayna kooxda Oslo City dhashadeen sadex gool oo isku xigta.
Waxaayna cayaartu ku soo gabagaboowday kooxda holand oo looga adkaaday 2-4.
Kooxda Oslo City oo dabaaldeg ku jirta goortan aan qoraayo qoraalkan ayaa ah
koox mustaqbal ku leh cayaarta kubadda cagta waxaanan leenahay khaddar iyo
oslo city nasiib wanaagsan.
Somalilandsports.net