SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT

Faaqidaada Cayaarihii Ugu Dambeeyay Ee Champions League iyo natiijooyinkooda.
Kooxda Liverpool oo u ciil cuneysay kooxda Lyon ayaa ciyaartoodii xalay waxay ku dhamatay 1-1 lIVERPOOL  ayaa la saadaalinayaa in aay ka hari doonto koobka champions league mar hadeey xalay badin kari weeyday waxaana loo badinayaa in aay rajo xuntahay waxaana la soo daristay naadiga weeyn ee liverpool calool xumo iyo calaacal iyadoo horyaalka ingriiska meel rajo badani ka muuqan taagan balse cayaartii xalay aay la yeelatay lion ayaa barbardhac ku dhamaatay kadib ilbiriqsiyadii u dambeeyay markii Liverpool la bareejeeyay.

Kooxda haatan haysata horyaalnimada koobkan ee la yiraahdo Barcelona ayaa xalay ka aar gudan wayday kooxdii ka soo badisay lugtii hore ee Rubin Kazan ka dib markii 90ka daqiiqo ay isla dhaafi waayeen 0-0. lama saadaalin karo gropkan aay wadaagaan ama ku wada jiraan inter ,dinmo kiev waxaana la yidhaahdaa grupkii dhimashada.


Kooxaha Sevilla iyo Stuttgart ayaa kala qaatay dhaawacyadoodii 1-1.
Kooxaha Rangers iyo Unirea oo wada kulmay iyana waxay isla dhaafi waayeen 1-1.
Kooxda Inter ayaa guul lama filaan ah ka fara marooqsatay Dynamo Kyiv ka dib markii 2-1 ay jeebka uga soo ridatay iyagoo indhahooda shanta yihiin.

Kooxda Standard ayaa 2-0 ku sagootisay dhigeeda Olympiakos.
Kooxda Fiorentina ayaa dibir culus ku dhufatay kooxda Debrecen ka dib markii ay 5-2 u dhiibtay.


Ugu dambeyntii, Kooxda Arsenal ayaa 4-1 waxay bac qafiif ugu shubtay kooxda AZ Alkmaar oo ka socotay horyaalka wadankaasi Holand.Arsenal waxaa lagu tiriyaa hadda kooxaha aad looga cabsi qabo in aay hantaan horyaalka waxaana macalinka caanka ah ee arsen weger uu u muuqdaa nin soo dhisay kooxda qaab cayaareedkeedana wax badan ka badalay balse la sugi doone natiijooyinka soo socda.
 

somalilandsports.net