SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT
 
 
                                                                                                             
                

Tababare Geelle “Ciyaartan labaad ee Kenya aan la dheeli doono waxaan ciyaareynaa weerar”“7 sano ayaan tababare u ahay xulka Qaranka, welina ma arkin xiriirkan mid la mid ah, sababtoo ah..”

 

Tababaraha ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya Macalin Cabdi Faarax Cali oo ku magac dheer (Geelle) ayaa markii ugu horeysay faah faahin hor dhac ah ka sii bixiyay natiijada ay ka rajeynayaan is araga labaad ee ka dhici doona dalka Kenya kaasoo ay fooda is dari doonaan xulalka Da’yarta Soomaaliya iyo Kenya.
 

Tababaraha ayaan galabta kula kulmay garoonka Guled Stadium ee magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jamhuuriyada Jabuuti, xilli uu leylinayay ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa ka hooseeya 20 sano jirka oo iyagu ku guda jira kulamadoodii horyaalka qaarada Afrika ee 20 jirada oo sanadkan 2008-da lagu qabtay dalka Jabuuti.

Macalinka oo aan wax ka weydiiyay sidii ay ugu suurto gashay inay ka badiyaan xulka Qaranka Kenya, oo mudadii 18-ka sano ee la soo dhaafay Somalia si fudud u dar dari jirtay, ayaa yiri.
 

Waxay noogu suurto gashay inaan ka badino xulka Kenya, dhiiri gelin uu sameeyey xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta sababtoo ah wuxuu si weyn u dhisay Mooraalka ciyaartoyda, wuxuuna u fidiyay Fasiilitigii ay u baahnaayeen oo dhameystiran, haddii ay ahaan laheyd, Garoon nadiif ah, hoteelo Jiif macaan, Raashin fiican, iyo dhamaamba agabkii kale ee ay u baahnaayeen ciyaaryahanadu, waxayna xittaa u sameeyeen balan qaadyo fiican haddii ay badiyaan, sababta labaadna waxay aheyd anagoo helnay garoon la mid ah midkeenii Somalia oo ay nagu caawisay Jabuuti (Home Team)”.

Macalinka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri.
 

Aniga 7 sano ayaan hogaaminayaa xulka qaranka Soomaaliyeed welina ma arkin xiriir sidan oo kale u fir fircoon oo uguna dedaalaya horumarka Sports-ka Soomaaliyeed, waaana dhihi karaa xiriirkan wuxuu kaga duwan yahay xiriiradii hore, kani waa mid Qaranimo ay ku abuuran tahay oo doonaya inuu kor u qado harafta iyo karaamada ciyaaraha Soomaaliyeed.
 


Ugu dambeyntiina tababare Geelle oo ah qabiir si weyn ugu taqasusay leylinta xulka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay rajadiisa ku aadan is araga labaad ee ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed ay kula yeelan doonaan magaalada Nairobi xulka Kenya horaanta bishan soo socota ee May, ayaa mar kale yiri.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan ka badin doono xulka Kenya, sababtoo ah waan leenahay awoodii aan kaga badinay kulankeenii hore, ciyaartoydeenana waxay qabaan tababar fiicana, labo setimaan ayayna tababar ku jireen, (WAXAAN LA CIYAARI DOONAA XULKA KENYA WEERAR, DIFAAC MA CIYAARI DOONO SIDII HORE U DHICI JIRTAY!!).