SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT
 

Abdisalam Caddaay Oo UEFA Cup Ciyaaraya

MANCHESTER CITY-Waxaa Farxad ah maanta in dhawr caruur Somaliyeed ah ay dunida ka gari rabaan heer caalami, dhinaca sportiga. Sanadkan gudihiisa ayaa ciyaarihii isreebreebka dhalinta da’dooda ka yar tahay 17jir uu ka dhex muuqday wiil Somaliyeed, Islam Faruz, isagoo ku ciyarayey xulka qaranka ee dalka Scotland.

Dhalinta da’da yar ee ku soo badanaysa ciyaarta kubadda cagta ayaa waxaa kaloo ka mid ah, Ayuub Daud oo ka ciyaara dalka Talyaaniga, Ciise dheere oo ka ciyaara dalka Norway, Abdirashiid Caddaay oo ka ciyaara dalka Ingiriisaka. Isku soo duuduubo Waxaa bishan 13keeda dalka Beljim ka furmaya ciyaaraha isreebreebka dhalinta da’dooda ka hooseeysa 18jir ee UEFA cup.

Akhristow waxaa nasiib u yeeshay in uu ka qayb galo tartankaasi wiil Somaliyeed, mucjisadii kubadda cagta, Abdisalam Abdulkadir Caddaay oo u ciyaara kooxda maalqabeenka ah ee Manchester City Football club.

Abdisalam Caddaay wuxuu kaloo u ciyaaraa xulka qaranka ee dalka Norway, iyadoo sanadkan loo magacaabay Kaptanka xulka qaranka ee Under 18ka ee dalka Norway.

Abdisalam Caddaay oo kooxdiisa Manchester City safar gaaban iyo marti qaad loogu fidiyey magaalada Abu Dubai, ayaa wuxuu uga haray in uu difaaco calanka xulka uu u ciyaaro ee dalka Norway.

Abdisalam Caddaay oo xiligii xagaaga ahaa fasaxiisa ku qaatay dalka Kenya, Nairobi, isagoo halkaasi tababar adag ku qaadanayey.

Jawaabteedana wuxuu helay ka dib markii la qiimeeyey ciyaartoyga ugu masaafada dheer inta garoonka lagu jiro. Abdisalaam Caddaay wuxuu sameeyey 12km 90kii daqiiqo uu ciyaaro kubadda. Kaalinta labaad waxaa galay Barry-ga laga soo gatay  kooxda Aston Villa, 3aad na waxaa galay Steph Irland oo ay isku akadami ka wada baxeen.
Abdisalaam xulka qaranka ee dalka Norway wuxuu ku biiray isagoo 15jir ah, maanta oo uu 18jir yahay, ruyadiisu waxay tahay in uu mar uun ka safto ciyaaraha adduunka isagoo metalaya dalka Norway, kuna faanaya jinsiyaddiisa Somaliyeed.

Dhammaan jaaliyadhaha ku nool dalalka Beljim, Holland, iyo jarmalka lagu wargelinayaa in ay taageeraan inankooda somaliyeed oo ay niyadda u dhisaan, si dhalinta kale ee soo koreysana ugu daydaan.

halkan click sii si aad u akhrisato liiska xulka qaranka Norway: http://www.fotball.no/Landslag_og_toppfotball/Landslag/Aldersbestemt_gutter/G18/2009/G18-tropp-til-EM-kvalik/

halkan click sii: http://www.football.co.uk/manchester_city/players/abdisalam_ibrahim_136770.shtml

Sunni Said Salah