SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT
 

Ciyaaryahananda Naadiga ardada soomaaliyeed ee dalka masar oo ku guuleystay koobka cayaarha wadamada islaamka ku dhexmartay Qaahira 2009(Daawo Sawirada)

Todobadkan dalka maser xarunta qahir waxaa ka dhacay tartan ciyareed oo aad uxiisa badnaa oo dhaxmarayay dhalinyarada wadamada islaamka oo ay so qaban qabisay World Assebly of Muslim Youth


Waxaa ka Qeebgalay Sanadkaan bahda sportig ee nadiga ardayda Soomaaliya ayagoo tartanka ku Matalayey Soomaaliya Waxayna soo Hoyeen Guulo

Tartankan oo ah markii ugu horeysay ee lagu qabto magaalada Qaahira ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay'ada World Assembly of Muslim Youth(AMA NADWAL CAALAMIYAH LISHABAABIL ISLAAMII) oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan WAMY ayaa looga gol leeyahay isbarashada iyo isdhaxgalka dhalinyarada Muslimka ah.

Tartanka oo kaa koobnaay sadax wareeg ayay kooxda Soomliya wareega koobaad uga soo gudbeen lix dhibcood ayagoo lama mar badiyay halmarna laga badiyay , halka wareega labaadna ay ka badiyeen koox ka socotay dalka THailand iyadoo finalka isku soo aadeen kooxda soomaaliya iyo koox ka socotay wadanka Comoros ama Juzurulqamar.

Ciyaarta finaleka ayaa eheed mid aad loo wada xiiseenay iyadoo qola waliba ay isha ku heeysay koobka kuna haminaysay sidi ay ku hanan leheed.

Ciyaarta finaleka ayaa aheed mid aad u kululeed iyadoo kooxda Soomliya u suuragashay goor hore oo ciyaarta ah inay dhaliyaan laba gool , laakiin kooxdii ka socotay dalka Comoros ayaa laba laabay weeraroodii ugu danbeentiina u suurogashay inay bareejeeyaan ciyaarta. Ciyaarti ayaa isugu biyo shubatay ugu danbeentii in loo dhigo rigoorayaal waxayna guusha ku raacday kooxda Soomaliya iyadoo ay meesha kasoo muuqatay heerka xirfadnimo ee gool haya kooxda soomliya c/laahi farey. sidaasna ay ku hanatay koobka sanadkan & abaalmarinta biladeed oo lagudonsiyey ninka ugu goolalka badan Abdi Xafiid ahna madax isboortiga ee naadiga ardada soomaaliyeed.

"guushan aan gaarnay waxaa ku tilmaami karaa in ay tahay mid laba laab ah waayo

Waxan la tartameyney wadama haysto dowld tageerta oon xita xiligg an dowlda lahayn aan dhici jirin inaan ka raayno sidaasi waxaa yiri cabdil xafiid oo ah ciyaar yahayanka ugu goolal badna ahna gudomiyaha sportiga nadiga arday somaliyeed waxuuna sii raciyay in goolasha badnaa ooy ka dhaliyen xulka maser uu bilaw wanaagsan u ahaa guusah manta ay gareen "

Sidoo kale gudoomiyaha naadiga aradada soomaaliyeed AL- ustaad caamir maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guushan ay manta gareen ayna farxadani raja weyn utahay somalida manta meel waliba ku dhibateysan oo aan goobaha dawliga ah calankooda laga taagin inta badan .

C iyartaan waxa ka qeyb galay ciyaatrtooy aad u firfircon ciyar wanaagsana ka muujiyey meesh waxayna kala ahyen

1-Cabdulaahi Tafara

2- Bashiir xashi

3-c/nasir nuur "samara"

4- Najib maxamed cali "kabtanka kooxda

5-liiban

6-cabdulahi ibrahim nuur "farery"

7cabdulahi farax

8- cadi xafiid "fursa

waxaa suura galayay ciyaartan & gushaan oo kalin way ka qatay naadiga ardayda somaliyeed ee dalka maser oa ah naadi aad u facweyn ayadoo sanadkan ay mamlka hayaan dhalinyara aad ufirfircoon

somalilandsports.net

xigasho daayniile.com