MUQDISHO: Xiriirka kubadda Cagta ee Soomaliya ayaa suurtageliyey
qabsoomida tartanka kubadda cagta ah kaasi oo u dhexeeya ilaa 8 dugsiyadda
gobolka banaadir,isla markaana lagu maamuusayo 21-ka November oo ah maalinta
macalinka Soomaliyeed.

Xafladii furitaanka ee kulankii ugu horeeyey tartankaasi ka bilowdey
garoonka Dugsiga sare ee booliska oo ay ka soo qeybgaleen madaxda xiriirka
kubadda cagta, madaxda Dalladaha waxbarasho ee gobolka banaadir iyo mas`uuliyiin
ka socotay shirkada isgaarsiinta ee Nationlink , ayaa waxaa ka hadlay
guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Siciid Maxamuud Nuur [Mugaanbe] isaga oo
sheegey muhiimadda uu leeyahay tartanka dugsiyada gobolka Banaadir iyo xuska
munaasabadda maalinta macalinka wuxuuna ciyaartoyda ka qeyb galeysa tartankaasi
kula dardaarmay inay muujiyaan asluub wanaag iyo ciyaar ay farsamo ku
dheehantahay.
Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Siciid Maxamuud Nuur [Mugaanbe]ayaa
waxaa uu ugu danbeyntii ciyaartoyda dugsiyada ee ka qeyb galeysa tartankaasi
u balan qaaday in xiriirku soo xulan doono ciyaartoyda ay tababarayaasha u
arkaan in ay meteli karaan qaranka iyada oo lagu dari-doono xulka under 17
ee Soomaliya.
Dugsiyada 8 ah ee ka qeyb galaya tartankaasi ayaa waxaa ka hor bilowgii
tartankaasi tababarayaashooda loo qabtay seminaar 2 maalmood socd\y kaasi
oo ay casharo ka bixinayeen qabiiro ay soo xuleen xiriirka kubadda cagta
kana dhacay xarunta Youth-link ee magaalada Muqdisho.
kulankii ugu horeeyey ee furitaanka waxaa wada yeeshay Dugsiyada Hoyga Xamar
vs Al-mathell waxaana ay labada kooxood ay soo safeen ciyaartoy da'yar oo
xirfado ciyaareed huwan taasi oo ay si weyn ugu riyaaqeen dhamaan
daawadayaashii kulankaasi oo qaarkood sheegey in dugsiyadu ay ku jiraan
xiddigo mustaqbal ku leh kubadda cagta Soomaaliya.
Kulankaasi ayaa waxaa uu ku soo idlaadey 1-0 oo ay guusha ku qadeen dugsiga
Al-mathell dugsiyada kale ee ka qeyb galay tartanka waxaa ay kala yihiin
Macalin jaamac,Al-macmuur,Jaabir-bin Hayaan,Abuu-xaniifa,Muqdisho iyo
Macaarif.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysey ee xiriirka kubadda cagta uu
dugsiyada gobolka Banaadir u qabto tartan weyn oo ay ka qeybgalayaan ilaa 8
dugsi,waxaana mugdi ku jirin in dugsiyada laga heli karo ciyaartoy mustaqbal
leh oo daafaca magaca qaranka Soomaaliya, iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka
uu xiriirka kubadda cagta iminka ku doonayo inuu dib boorka isaga jafo ka
dib sanado badan oo aan la qaban tartamo gudaha ah xaaladda dalka awgeed.


