SOMALILANDSPORTS.NET .SOMALILANDSPORTS.NET SOMALILANDSPORT
zs
Dette var en veldig bra start for oss og jeg er veldig fornøyd. Det ble en tøff kamp, men vi fortjente å vinne tilslutt, sier G18-landslagstrener Nils Johan Semb til fotball.no.

Xulka Qaranka dalka Norway ee uu u ciyaaro wiilka Somaliga ah Abdisalam Caddaay ayaa ku bilaabay guul 2-0 ah, ka dib markii dhigooda xulka qaranka ee Kasakhstan ciyaar kulul ku dhx martay waddanka Beljim, Garoonka St. Kalaas Stadium.
 

Guushan aanu gaarnay waa bilaw wanaagsan, aad iyo aadna waan ugu qanacsannahay ayuu yiri macalinka xulka qaranka Norway, Mr. Nils Johan Semb. Cayaar aad u culus ayey ahayd, laakiin dhamaadka ciyaarta halkaasi waxaan kala tagnay guul ayuu hadalkiisa raaciyey.

Cayaartan oo ahayd cayaar aad u xiiso badan ayaa qaybteedii hore, labaatankii ugu horeeyey waxaa ku gacan sareeyey xulka Kasakhstan. Shan iyo labaatanka daqiiqo klae ee qaybta hore ciyaartu wey wada qaybsadeen labada xul.
Markii la isugu soo noqday cayaarta qayteedii hore ayaa dardar cusub

waxaa la soo galay xulka dalka Norway, daqiiqaddii 51aad ayaa kubad aad u qurxooneed waxaa daafaca Kasakhstan la dhex maray inanka Somaliyeed ee Abdisalam Caddaay, ka dibna lagu jilaafay xerada ganaaxa. Halkaasina waxa ay heleen Norway Rigoore. Laadka rigooraha ah waxaa laaday Vegar Eggen Hedenstad, ka dibna uu daba mariyey goolhayihii.

Intaasi ka dib waxaa daadihinta kubadda waxaa xilkeeda la wareegay Norway ilaa ay ciyaarta ka dhammaato. Abdisalaam Caddaay oo lambarka 10aad u sitay xulkiisa ayaa dhexda si wanaagsan u maamulayey, daqiiqaddii 71aadna ay suurta gal u noqotay in ay ciyaarta dhigaan 2-0.

Cayaarta labaad waxay dhici doontaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10.11,2009. Labada koox ee ugu sareysa ayaa u gudbi doona ku baratanka koobka yurub ee dhalinta da'dooda ka hooseeysa 18jir.

Waxaa ka qayb galay ciyaartan daawashadeeda Garsoore FIFA, Aabe Abdulkadir Caddaay iyo qaar ka mid ah jaalliyadda deggan magaalada St. Kalaas ee dalka Belgium.

dhamaan bahda cayaaraha norway waxaay u hambalyeeynayaan guusha xulka norway ee cabdisalaan hormoodka ka yahay.

 

somalilandsports.net