Henery Gacantaada ayaan isticmaalay waana ilaah mahadii hadaan keenay goolkii barbardhaca ee aan ku goosanay tikitkii cayaaraha aduunka

Waxaa xalay ka dhacay qaarada Yurub kulamo u dhaxeeyey nolol iyo geeri oo xulal muhiim ah oo caan ka ah Qaarada Yurub ay ku lug lahaayeen kuwaas oo ka tirsanaa ciyaaraha is reeb reebka Koobka Adduunka.


Gool uu waqtiga dheeraadka ah u saxiixay William Gallas, ayey Faransiisku ugu soo gudbeen ciyaaraha adduunka kadib markii ay magaalada Paris xalay ku qaabileen xulka Ireland.

France-ka guushaasi waxa ay aheyd mid ay u baahnaayeen,waxaana goolka ay dhaliyeen uu noqday mid muran badan uu ka dhashay,sidaan oo kale ayey uga badiyeen xulka Ireland sanadi 2006 iyaarihi is reeb reebka,kulanki xalayna ciyaaryahan Henry ayaa gacanta ku qaatay goolki uu saxiixay Gallas.
Mar henery wax laga weeydiiyay goola ayuu cadeeyay in uu gacan ahaa ilaahayna ayaa ii sahlay in aan gacanta isticmaalo
France ayaa dagaal u gashay sidii ay u bareejeyn laheyd gool uu daqiiqadii 33-aad ka dhaliyey kabtanka xulka Ireland Robbie Keane,goolkaasi ayaa laf dhuungashay ku naqday ilaa laga gaaro daqiiqadii 13-aad ee waqtiga dheeraadka ah markaas oo Gallas dhaliyey goolka bareejada ah,hadii ay ciyaarta ay ku dhamaan laheyd 1-0 oo ay Arish-ku ku badin lahaayeen markaasi rigoorayaal ayaa lagu kala saari lahaa,maxaa yeelay lugti hore ayaa faransiisku waxa ay kusoo badiyeen 1-0.

GUULDARADII RUSSIA.


Xulka Slovenia managed ayaa si lama filaan ah ugu soo baxay ciyaaaraha Koobka Aduunka kadib marki ay 1-0 ku liqday xulka Russia oo tan iyo bilowgi is reeb reebka soo badinayey,lugti hore ee labada dal waxaa 2-1 kusoo badisay Russia,laakin kulanki xalay Slovania waxay iska ilaalisay in Russia ay gool ka dhaliyaan,goolka guusha Slovania waxaa u keenay ciyaaryahan Zlatko Dedic.

Waa marki labaad oo ay Slovania ay usoo baxaan ciyaaraha aduunka tan iyo marki ay ku biirtay xiriirka FIFA sanadi 1992-kii markaas oo loo aqoonsaday Qaran madaxbanaan.

Guuldarada ku dhcday Russia ayaa waxa ay bur burisay rajadii macallin Guus Hiddink oo doonayey in uu markiisii afraad ka qeybgalo koobka aduunka isaga oo afar xul oo kala duwan leyliey,horay wuxuu koobka aduunka u geeyey dalal Netherlands sanadi 1998 World Cup, South Korea oo uu watay 2002 iyo Australia oo uu gaarsiiyey sanadi 2006.

FARXADDII GREEK.

Xulka Greece, ayaa usoo gudbay ciyaaraha aduunka markoodii labaad tan iyo sanadi taariikhda marki ay bareejo 0-0 ah xalay garoonkooda kula galeen xulka Ukraine.

Giriiga marki ugu horeysay Koobka Aduunka waxa ay kasoo qeybgaleen sanadi 1994-kii ciyaarihi lagu qabtay dalka Mareykanka,guushi xalayna waxaa looga dabaaldagay dhamaan magaalooyinka dalkaasi.

INDHACADEYSKI PORTUGAL

Xulka K/cagta Portugal ayaa si indha cadeysnima ah kusoo gaaray ciyaaraha aduunka kadib marki isu geynta laba kulan oo Play-off ah oo ay la ciyaartay Bosnia ku badisay 2-0, Kulanki xalay waxa ay gacanta sare ku heleen kadib marki uu gool u saxiixay ciyaarayahanka qadka dhexe Raul Meireles.

Portugal waxaa ka maqnaa laacibkooda weyn Cristiano Ronaldo oo dhaawac uga maqan garoomada maalmahan dhaawac ahaa.

Isku aadka ciyaaraha aduunka ayaa waxaa la qaban doonaa 4-ta Decmeber waxaana uu ka dhici doonaa magaalada CapeTown.

 

Faah-faahin dheeraad ah Kooxda xulka Algeria oo taariiq u dhigtay xulka masar kadib markii ay masar si wacan ula qeybsan weysay hogaanka kubadda …
(Daawo sawirada)

Xalay abaarihii 8:30pm ee fiidnimo waxaa daaha loo furay ciyaartii u dhaxeysay kooxda Algeria iyo masar .

Galinkii hore ee ciyaarta ayay kooxda masar muujisay ciyaar wanaag iyadoo kubada si wacan ula qeybsatay kooxdii ay la loolamaysay ee Algeria .

Kaambiyadii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1hal gool oo ay ku hor martay kooxda Algeria iyaga oo u dhaliyay goolka ciyaarihaanka lagu magacaabo Cantar yaxya.

Markii la isku soo laabtay ciyaarta qeybtii labaad ayaa hogaanka kubadda waxaa la wareegay kooxda Algeria iyadoo markaasi dhowr gool ku hamisay in ay ku dhufato kooxda masar balse waqtiga ayaa ku dhamaaday.

Ciyaartaas caawa ka dhacday garoonka weyn ee Almariikh stadium ayaa waxaa kasoo qeyb galay kumanaan dad ah kuwaaso ay u badnaayeen taageerayaasha reer Algeria waxa ayna wateen funaanadaha xulka Algeria iyo astaanta calanka iyaga oo ku qeylinayeen Algeria guul masar hoos .

Inta badan shacabka reer sudan waxa ay calanka u haayen kooxda Algeria maxaa yeelay ma aysan jirin taageerayaal u dhashay dalka Algeria oo sidaasi u badan halka ay masaarida ka joogan kumanaan iyaga oo ah dalka sudan .

Sido kale shacabka reer sudan waxa ay xusuusten waqti ay xulka kasoo jeedo wadanka sudan ku qaaten ciyaar ka tirsan is reeb’reebka Africa ciyaartasi oo ay ku ciyaarayeen iyaga iyo xulka Chad magaaladda Qaahira ee wadanka masar mana aysan jirin wax reer masar ah oo taageeray xulka reer sudan sidaas aawadeeda waxa ay taageereen shacabka reer sudan kooxda Algeria iyaga oo ka aarsanaayay ciyaartii Chad iyo xulka sudan ay ku qaaten wadanka Qaahira .

Gabagabadii ciyaarta caawa ayaa kusoo gabo gabowday 1-0 oo looga adkaaday kooxda masar waxa ayna ku dhamaatay ciyaarta qeeylo iyo sacabo tumid waxa isla mar ahaantiina lagu fidiyay Daafaha garoonka Almariikh ciidamo wata ulal iyo qalabka dadka ka ilmeysiiyo maxaa yeelay taageerayasha kooxda Algeria ayaa mudo 2labo maalin ah kawaday gudaha magaalada sudan qeylo iyo sacabo tumid waxana la filaaya in ay caawa isga tagaan kooxda Algeria wadanka sudan iyaga oo ku wajahan wadanka ay kasoo jeedaan

 

somalilandsports.net

 By Mohamed SIIDII, Isboorti.com
siid.maxamed@hotmail.com