Isku aadka Ciyaaraha K/cagta Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA oo la sameeyay iyo Xulka Soomaaliya oo Nairobi ku soo jeeda.


Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliya iyo Macan Geele
 


Jimco, November 20, 2009(HOL): Xullka qaranka K/cagta Soomaaliya oo ka qeyb galaya koobka 33-aad ee Bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA ayaa ku qeyb noqday Xulalka Zimbabwe, Rwanda iyo Eritrea, kaddib markii la sameeyay isku aadka ciyaarahaas.

 

 

Xiriirka K/caga ee bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA ayaa galabta si rasmi ah u sameeyay isku aad aadka ciyaaraha xulalka ee bariga iyo Bartamaha Africa, kaddib markii ay maaligalin rasmi ah ka heleen shirkadda is-gaarsiinta ee Orange.

 

Ciyaarahan oo lagu kala ciyaari doono magaalooyinka Mumias iyo Nairobi  ayaa 28-ka bishan November  waxay ka billaaban doonaan garoonka  Nyayo Stadium ee magaaladda Nairobiwaxaana ciyaarta furutaanka wada ciyaari doona Kenya iyo Zambia,  waxaana ka soo  qeyb galaya 12-xul  oo loo qeybiyay 3 group, waxayna  kala yihiin (A) Kenya, Zambia, Ethiopia iyo Djibouti, (B) Somalia, Zimbabwe,  Rwanda iyo Eritrea, (C) Uganda, Tanzania Burundi iyo Zanzibar.

 

Xulka Soomaaliya oo 2-dii ee la soo dhaafay tababar xoog leh ku qaadanayay  magaaladda Muqdisho ayaa nasiib u helay inuu ku biiro qeybta C ee la aaminsanyahay in ay ku jiraaan xulalka ugu tabarta yar ee tartankan, waxaana halkaas ka muuqta in haddii ugu yaraan 4-dhibcood oo la mid ah badis iyo bar-bar dhac uu si rasmi ah ugu soo bixi doono wareega 2-aad ee tartanka,  iyadoo sidaas oo kale nasiibkoodu noqday in Magaaladda Nairobi oo ay ku noolyihiin dhowr boqol oo kun oo Somali ah  oo dhalinyaro u badan ay ku ciyaari doonaan.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in dhammaan xulalka bariga Africa ay xaqiijiyeen ka soo qeyb galkooda, gaar ahaan Xulka Somalia, sababtoo ah wadankooda waxaa ka socda daagaaloo, sidaas daraadeed si gooni ah ayaan uga faraxsanahay ka soo qeyb galka xulka Somalia, runtiina waa xulka kaliya ee aan weligiis ka maqnaan ciyaaraha Bariga Africa, waxaana wadanka Somalia u rajeynayaa Nabad waarta” ayuu yiri Xoghayaha guud ee xiriirka K/cagta CECAFA Nicolas Musonye oo aan kula xiriiray qadka telefoonka kaddib soo saaristii isku aadka.

 

Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka K/cagta Soomaaliyeed Axmed Nuur Xasan Xasan C/lle ayaa ugu baaqan dadka faraha badan ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Kenya in ay si kal iyo laab ah u taageeraan xulkooda, isla markaana soo buuxiyaan garoonka Nyanyo oo inta badan xulka somalia uu ku ciyaari doono’ “Sanadkii hore markii  xulka somalia uu joogay magaaladda Kampala wadan Uganda, waxaa si aan kala go’ laheyd xulka u taageeray dhammaan soomaaliya ku nool wadankaas oo noo muujiyay in taageero la’aan aysan ku dhci doonin ciyaartooyda qaranka” ayuu sii daba dhigay Mudane Axmed Nuur.

 

Ciyaarahan oo aad u xiiso badan wixii war ah ama natiijo ah ee ku soo krodha halkan ayaad kala socon doontaan, iyadoo isku aadka xulaka uu yahay sidan:

 

 

CECAFA/ORANGE SENIOR CHALLENGE CUP IN KENYA

28TH November To 13th December 2009

 

                                                        ISKU AADKA.

 

A. Nairobi                              B. Nairobi                            C. Mumias

Kenya                                     Zimbabwe                              Uganda

Zambia                                   Rwanda                                  Tanzania

Ethiopia                                  Eritrea                                    Burundi

Djibouti                                  Somalia                                  Zanzibar

 

CADEYN: Labada xul ee group kasta ugu dhibcaha badan iyo labada xul ee loo arko in ay ugu ciyaaro wanaagsanaayeen tartanka ayaa si rasmi ah ugu soo gudbi doona wareega 2-aad.

 

MAALINTA

NO

XULALKA

QEYB

GAROONKA

WAQTIGA (EAT)

 28.11.09 Sat

1

Kenya Vs Zambia

A

Nyayo Stadium

4.00 pm

29.11.09 Sun

2

Rwanda Vs Somalia

B

Nyayo Stadium

4.00pm

29.11.09 Sun

3

Burundi Vs Zanzibar

C

Mumias

2.00pm

29.11.09 Sun

4

Uganda Vs Tanzania

C

Mumias

4.00pm

30.11.09 Mon

5

Ethiopia Vs Djibouti

A

Nyayo Stadium

4.00pm

1.12.09  Tue

6

Eritrea Vs Zimbabwe

B

Nyayo Stadium

4.00pm

1.12.09  Tue

7

Zanzibar Vs Tanzania

C

Mumias

4.00pm

2.12.09   Wed

8

Ethiopia Vs Zambia

A

Nyayo Stadium

2.00pm

2.12.09   Wed

 9

Djibouti Vs Kenya

A

Nyayo Stadium

4.00pm

2.12.09    Wed

10

Burundi Vs Uganda

C

Mumias

4.00pm

3.12.09  Thur

11

Rwanda Vs Eritrea

B

Nyayo Stadium

2.00pm

3.12.09   Thur

12

Zimbabwe Vs Somalia

B

Nyayo Stadium

4.00pm

4.12.09   Fri

13

Djibouti Vs Zambia

A

Nyayo Stadium

2.00pm

4.12.09   Fri

14

Kenya Vs Ethiopia

A

Nyayo Stadium

4.00pm

4.12.09   Fri

15

Tanzania Vs Burundi

C

Mumias

2.00pm

4.12.09   Fri

16

Uganda Vs Zanzibar

C

Mumias

4.00pm

5.12.09   Sat

17

Somalia Vs Eritrea

B

Nyayo Stadium

2.00pm

5.12.09   Sat

18

Rwanda Vs Zimbabwe

B

Nyayo Stadium

4.00pm

6.12.09     Sun

20

Rest Day

 

 

 

                                          QUARTER FINAL

7.12.09  Mon

21

C 1 Vs A 2

 

TBD

TBD

7.12.09  Mon

22

A 1 Vs Best Qualifier1.

 

TBD

TBD

8.12.09   Tue

23

C 2 Vs  B 2

 

TBD

TBD

8.12.09   Tue

24

B 1 Vs best Qualifier 2

 

TBD

TBD

                                                          SEMI FINALS                                      

 

9.12.09  Wed

25

Winner 21 Vs Winner 22

 

Nyayo  Stadium

3.00pm

10.12.09 Thur

26

Winner 23 Vs Winner 24

 

Nyayo Stadium

3.00pm

11.12.09       Friday                              REST DAY.

12.12.09   Sat

27

Looser 25 Vs Looser  26

Third Place

 

TBD

13.12.09    Sun

28

Winner 27 Vs Winner 28

Finals

Nyayo Stadium

TBD

 

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Email: farahblue_545@hotmail.com          

Kampala, Uganda

Mobile: +256 774228112