Maxaa Ka Qabsaday Cabdulla Nairobi Garoonka The Riverside Ee Kooxda Birmingham

Sheekadaan waxey ku dhacay nin sxbkey ah oo magalaada Birmingham ku nool oo la yiraah Liban Mohamed Ali Oo Loo Yaqaan Cabdulla Nairobi isagoo ka sheekeeya dhacadii ku qabsatay garoonka the Riverside ee kooxada Birmingham oo isagu uu ugu magaca daray maalmihii iigu murugada badnaa wuxuuna ku bilaabay
Muddo Badan ayaan raadinayey inaan Live u daawadao Kooxda kaliya ee aan Ciyaaraha Kubadda Cagta ka taageero Aduunka oo ah ARSENAL, Waxaan ku sugnaa Magaala Madaxda Labaad ee Dalkaan Ingiriiska BIRMINGHAM, Waxaan ogaaday in kooxda aan taageero ay la ciyaareyso Kooxda ka dhisan Magaaladaan looguna magac daray isla magaaladaan, in kastoo ay ay joogaan ama ka dhisan yihiin dhowr kooxood sida, Aston Villa, Birmingham Wolverhamton, iyo West Bromich, Hadana Kooxda Birmingham waxey ku dhex taal Xaafadda ay Dadka Soomaaliyeed deganyihiin oo lagu magacaabo Small Heat, Waxaan Goostay Tigidkii waxana galay Garoonkii, waxaan ku fadhiistay, kursi markaas banaanaa, waxaan daawaday ciyaartii isla waqti yar kadib waxaa dhawac daran soo gaaray ciyaaryahanka 25 jirka ah reer Croasia EDUARDO, aad ayaan uga xumaaday dhaawacaas, runiina dadkii iga ag dhowaa oo dhan waa ka naxeen, laakiin markaan hareeraheyga fiiriyey waxaan ogaaday in dadka meesha ila fadhiya oo dhan ay yihiin taageerayaasha Kooxda Birmingham, Waxaan meel igasoo horjeeda fadhiya Taageerayaashii Arsenal laakiin waxaa laga hayaa waardiyo aad u culus oo looma gudbi karo, Anigii waxaan isku dayey inaan ciyaarta wax ka sheego balse wiilal i ag fadhiyey oo cadaan ah ayaa ii sheegay inaan aamuso hadii kalena aan meesha isaga tago.
Anigoo yaaban ayaan meeshii ka tagay, waxaan ogaaday in hadii aan dhaqaaq yar sameeyo ay nafteyda halis ku jirto waxaan aaday meeshii ay fadhiyeen Taageerayaashii kooxda Arsenal laakiin waa iisuurta gali weysay sababo la xiriira , Iyadoo tigidka lagasoo goosto Meelkale iyo iyadoo aan la ogoleyn in la isku gudbo mar hadii garoonka lasoo wada galo,
Soo noqodkeygii kadib ayaan meel gaar ah istaagay, Waxaan isku dayey inaan dhuumasho ku taageero kooxdeyda, isla markaana aan la qeybsado farxadda, Maxaase iga raacay, Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa waxaa goolkii Barbaraha kooxdeyda u dhaliyey Walcott Farxad darteed inta is hayn waayey ayaan boodbooday, nin xoog weyn oo Irish ah ayaa inta ii yimid Feer igu daldalay, Mid ayaa iiga dhacay daanka Bidix, waxaa iga baxay dhiig laakiin ilaahay waa i dhib yareeyey, dadkii oo dhan ayaa isoo eegay, garoonkii ayaa mar qura wada istaagay anigana isma waaline waxaan Waardiye yaashii garoonka u sheegay inaan ahay Taageere BIRMINGHAM, Boodboodkana ay aheyd ciil aan ka xumahay in la i bareejeeyo, Dadkii ayaa i raali galiyey, markaas wixii ka dambeeyey waxaan ku jiray dhuumasho iyo inaan is ilaaliyo, Mar mar waxaa dhaceysay inaan is iloobo laakiin Ilaahay ayaa i badbaadiyey la igama dareemeynin waxaan isku dayey inaan u sacbiyo Kooxda Birmingham markey kubadda laadaanba, Arsenal waxey dhalisay Gool kale dadkii oo dhan waa wada aamuseen anigana sidii nin murugeysan ayaan hoos fiiriyey, laakiin farxadii ayaan muujin karin.
Arsenal waxaa laga dhigay Rigoore qalad ah, waqtigii ugu dambeeyey, aniga Illin ayaa indhaheyga kusoo istaagtey murugo iyo ciil dartiis, laakiin dadkii waxey u haystaan inaan farxad la ilmeeyey markii ay dhashay goolkii ayey igusoo xoomeen iyagoo dhan oo wada qeylinaya wada faraxsan waxey iigu hambalyeeyeen Bareejada Arsenal la bareejeeyey,Alla xaal og anigana anoo nafteyda ilaashanaya ayaan sacab beena camiraayey ilaa aan ka imaado xaafadii iyo dhalinyaradii aan in naqaanay, Waligey taas oo kale imasoo marin inaan xoog ku taageero Kooxdaayda.
Wariye Tumi Makgabo Oo Iska Casilay Xilkii Uu Ka Hayay World Cup 2010
JOHANNESBURG, South Africa (AP)—gabadha caanka ee mar ka tirsanaan jirtay Tv-ga caanka ah ee CNN-ka isla markaan hada aheyd madaxii isgaarsiinta iyo xiriirada caalamig ah ee dhacda koobka aduunka ee 2010 lagu wado in ciida Africa markii ugu horeysay lagu qabto gaar ahaa dalka South Afrika ayaa xilkii ay ka heystay koobkaasi qabanqaabadeeda iska casishay.
Gudiga qaban qaabinaya World Cup ayaa sheegay xalay iney aqbaleen is casilaada wariye Tumi Makgabo, taasoo sheegtay iney dooneyso iney raadsato mashruuc kale “other projects”
Gabadhaan wariyaha ah ee Makgabo ayaa horey waxey ugu shaqeyn jirtay Tv-ga caanka ah ee CNN-ka taasoo qaban jirtay Barnaamijka la yiraah Inside Africa program sidoo kale waxey ka soo shaqeysay South African Broadcast Corp.
Is casilaada gabdhaan wariyah ah ayaa ka danbeysay markii saxaafada dalkaasi iyo tan gudaha ay si xoogan ugu warameen habacsanaanta ay ku socto qaban qabaad koobka aduunka. Makgabo saaxbkeed, Tim Modise, ayaa dhawaan sidoo kale ku hanjabay inuu iska casili doono xilka uu hayo laakin wuu ka noqday markii uu badalay maskaxdiisa.
U diyaar garowga World Cup ee dalka South Africa ayaa waxaa hareeyay walaac xoogan oo laga muujinayo dhismaha garoomada, iyo waliba waxyaabo badan oo muhiim u ah socoshada diyaarinta koobka aduunka. Laakiin gudigii FIFA ka socday ee dhawaan tagay dalkaasi waxey sheegen iney ku faraxsanyihiin sida ay howsho u socto.
FIFA general secretary Jerome Valcke ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shairk ay maalinta talaada ah leeyihiin gudiga qabanqaabinaya koobka aduunka ee dalkaasi.
FIFA block-gareysay In Ciyaaryahan Cousin Uu Ka Tago Rangers
LONDON, (Reuters) - Rangers ayaa dafirtay iney jirto fursad ay FIFA ku fasaxday weeraryahanka reer Gabon Daniel Cousin si uu ugu wareego kooxda Fulham.
FIFA ayaa diiday codsi racfaan ah oo looga fasax qaadayay iyada maxaa yeelay Cousin wuxuu u soo ciyaaray xili ciyaareedkaan labo koox oo kala duwan taasoo sharca FIFA ka ho imaanaya kooxahaasoo kala ah Racing Lens in France iyo Rangers.
Cousin, oo la joogay Lens ilaa iyo 2004, ayaa 2-ciyaarood u soo ciyaaray French club biloqgii horyaalka French ka hore intii uusan ku soo biirin Rangers bishii August.
“dalab wanaagsan ayaan ka helanay Fulham oo ciyaaryahankaasi in lo fasaxo ay ku donayaan … laakiin waxaan aad ugu niyad jabanay (FIFA) oo diiday in Daniel uu kooxdaasi aado,” Rangers chief executive Martin Bain ayaa u sheegay club’s Web site (www.rangersfc.premiumtv.co.uk).
Cousin ayaa sheegay inuu aad u jeclaa inuu ku biro English Premier League club laakiin uu hada sida wax u dhaceen uu ku faraxsanyahay “.”
Fulham ayaa ku sheegay Web site-keeda (www.fulhamfc.com) iney waraaq ogeysiisa ah ka heshay FIFA “taasoo loogu sheegayo in aysan ciyaaryahankaasi aysan fasax u heysan iney qaataan Fulham Football Club inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka 2007/08 season.
Getafe Oo Markii 2-aad Oo Isku Xigta U Socota Finalaha King’s Cup
MADRID, (Reuters) - Getafe ayaa horey u qaaday tilaabo ay ku dooneyso iney markii 2-aad oo isku xigta ay ku tagto finalaha koobka King’s Cup markii ay ku tumatay Racing Santander oo ay u dhiibtay 3-1 kualnkoodi semi-final koobkaasi lugtiisii 1-aad.
Goalsha waxaa u kala dhaliyay Ruben de la Red, Francisco Casquero iyo Manu del Moral kuwaasoo quusiyay Racing, oo markii ugu horeysaya timid semifinalah koobkaan
Getafe, ayaa sanadkii tagay 1-0 waxaa koobkaan kaga qaaday Sevilla kaasoo u ahaa finalihii ugu horeeyay oo ay timaado koobkaan, waxeyna hada aadi doontaa Santander lugta 2-aad March 19.
Kulankii kale ee semi-finalaha wuxuu ku soo idlaaday 1-1 waxaana wada ciyaaraya Barcelona oo xiligi ugu danbeeyay bareejada ka heshay Valencia kulankaasoo ka dhacay garoonka Nou Camp.
Kaka Oo Balanqaaday Inuu AC Milan La Joogi Doono Illaa 2013
ROME (AFP) - World player of the year Kaka ayaa 2-sano oo kale ku kordhiyay qandaraaskii uu kula jiray AC Milan taasoo ka dhigan inuu ilaa iyo 2013, uu ka sii joogi doono kooxda heysta European champions.
25-sano jirkaasi reer Brazil oo ah 2-xirfada leh si gaar ah u yaqaan attacking + midfielder ayaa lagu soo waramaya in la siin doono in ka badan six million euros sanadkii iyadoo qanadaraaska uu hataan kula joogay uu ku ekaa 2011.
Milan waxey diiday iney wax faalo ah ka bixiso lacagaha kuu ku kacay qanadaraaskaan cusub.
Todobaadkii tagay Kaka wuxuu u sheegay Britain's Daily Mail inuu doonayo inuu ciyaarihiisa ku soo afjaro Milan.
Kaka wuxuu ku biiray Milan in 2003 isagoo ka yimid Sao Paulo wuxuuna ka caawiyaya iney sanadkii tagay ay qaataan Champions League.
Real Madrid ayaa wax badan isku dayday iney Milan ka soo iibsato Kaka iyadoo soo bandhigtay aduun gaaraya 80 million euro ($118 million) laakiin kooxda reer Italian wey ka hor timid arintaasi iyadoo Kaka aabihiis iyo wakiilkiisa ay wada hadalo ka fureen kooxda heytsa Spanish champions.
Sunni Said Salah Nairobi Kenya
+254-721-424242