|
Macalin Giftin iyo soo dhaweeyntii North London
 Waxaa xalay
lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweeynayay macalinka
Weeyn ee somaliyeed ee caanka ah macalin Giftin oo ayaamahan ku sugnaa
magaaladan London carigan ingriiska waxaana xalay reer North London aay ku
sharfeen macalinka xaflad xidhitaan tartanka odayadda cuslaaday loogu qabtay
xaafan Tottenham ayaa waxaa barbar socday soo dhaweeynta macalin Giftin.
xafladan waxaa ka soo qaaybgalay dhamaan bahda cayaaraha gaar ahaan reer North
London iyo waqooyiga Londonba waxaa ka mid ahaa dadka marti sharafta ahaa
Ururada cayaaraha ee Finland iyo Sweden waxaa kaloo goob joog ahaa Gudoomiyaha
SOCSA Mudane Axmed Nuur jeenyo Gudoomiyaha jaaliyadda cayaaraha North London
Mudane Maxamed Macalin,Gudoomiye ku xigeenka Alhijra Mudane Maxamud Hassan,
Odayga caanka ah ee ku magac dheer Isoomareey mudane Axmed sheel iyo marti
sharaf kale oo badan oo aay ka mid ahaayeen cayaartoodii hore ee Somalieed oo
aad u tiro badnaayd waxaa kaloo goob joog ahaa dhalinta cayaaraha ee Basketka oo
aan u kala harin iyo dhalinyaroada cayaartooyda ah maanta . waxaana hadalo
qiimo badan halkaa ka soo jeediyay ugu horeeyn gudoomiyaha cayaaraha xaafadda
North London Mudane Maxamed waxaanu aad ugu soo dhaweeyaya macalinka iyo martida
kale, waxaana uu ka sheekeeyay mudadii gaabnaayd ee ururku jiray horumarkii aay
ku talaabsadeen. 
Maxamed waxa uu amaan u soo jeediyay dhamaan dadka loo sheeqeeyay oo uu
ku tilmaamay dad aqoon ahaan dhisan oo la,aantood aayna waxba u suuroowdeen
horumarka aay gaaraayna mudadadii yareeyd aay ku gaareen wada jir iyo wada
shaqeeyn. Axmed Nuur Jeenyo iyo Gudoomiye Mxamed iyo xidhiidhiyaha xaflada
 Waxaa kaloo
halkaas ka hadlay Marti sharaf ka timid wadanka Sweden khaasatan Gudoomiyaha
dalada ururada Somaliyeed ee Sweden Mudane Abdul nuur iyo Mudane Axmed Hassan
oo ka socday ururka dhalinyaradda Somaliyeed ee Sweden oo aad ugu
faraxsanaa ka qaaybgalka xafladan iyo barashada macalinka caanka ah ee Giftin.
waxaa kaloo halkaas hadalo qiimo badan ka soo jeediyay Axmed Nuur Jeenyo iyo
Xassan waraabacadde oo ka sheekeeyay taariikhda macalinka isla markaana haa
cayaartooydii uu soo saaray Macalinku.waxaa kaloo halkaas ka hadlay Mudane
muriidi abaruur abati oo ahaa cayaartooy heer qaran ee uu soo saaray macalinku
oo isna soo dhaweeyay macalinka waxaana halkaas jaaisado lagu gudoonsiiyay
Kooxihii iyo shaqsiyaadkii ku guulaaystay abaalmarinta.Waxaana ugu
dambeeystii hadalka soo gabagabeeyay Mudane Axmed sheel oo ah madaxdii hore ee
isportiga oo isagu soo gunaanaday hadalka iyo munaasabadii qiimaha badnaayd kuna
faraxsanaa habkeey u dhacday xafladu. Halkan hoose ka daawo Sawiradda
 Macalin Gigtin
iyo Axmed Nuur Jeenyo 
Marti Sharaftii ka soo qaaybgashay
 Ex
cayaaryahan Dwaladda Hoose Macalin Daahir Gacameey waxaa uu ahaa daahir
xayaaryahanadii somalia kuwooda ayagoo dayar ku soo biiray kooxaha heerka
koowaad waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradii Giftin uu u magacaabay xulka
gobolka banaadir sanadkii 77kii waxaa uu noqday cayaaryahan caana .

 cayaaryahankii ugu gooldhalinta
badnaaaaaaa 
Macalin Giftin
oo gudoonsiinaaya Cayaaryahankii ugu fiicnaa Saciid
 Muriidi Abanuur Abati
Maradoonihii Somalia 
Kooxda
Finland oo hantiday Koobkii xaflada Isoomareey ayaa gudoonsiiyay
 Axmed Sheel oo soo
gabagabeeyay xafladda SOMALILANDSPORTS.NET |